English | Español | Português | Hmong | Soomaali| 中文 | Русский

Waxaan ognahay inay jiraan dad badan oo ka tirsan bulshadeena laga yaabo inay caawimaad ka raadiyaan CCEFS markii ugu horeysay, ama laga yaabo inay nagu tiirsanaayeen waqtiyadii hore oo aan haatan noogu baahan si waqtigii hore ka badan. Marka hore, waxaan rabnaa inaad ogaato inaan u diyaar nahay inaan caawinno.. Barnaamijyadeena oo dhami way socdaan oo wayna shaqaynayaan.
Dhowr waxyaabood oo muhiim ah in la ogaado:
- Uma baahnid inaad ballan sameysato. Fadlan imow oo keliya inta lagu jiro saacadahayada shaqada, kuwaas oo ah:
- Isniin 12pm-4pm
- Arbaco (Arbacada Wildcard) 11 am-1:30 pm
- Khamiista 3 pm-6 pm
- Jimcaha 10 am-1:30 pm.
- Waxaan sidoo kale leenahay Bandhigyada Wax soo Saarka(Produce Fairs). 2-da Sabtida iyo Sabtida 4-ta bisha, laga bilaabo 10am-11:30am.
- Dhammaan barnaamijyadeena hadda waxaa lagu bixiyaa adeegga wadista toddobaadlaha ah.
- Soo-booqdeyaashu waxay heli doonaan shandado
cunto horay loo soo diyaariyey, waana la soo dhaweynayaa inay toddobaad walba
ku soo noqdaan si ay u helaan cunno dheeraad ah, haddii loo baahdo. Ma awoodno inaanu
ku habbooneyno baagaga ku saleysan waxyaabaha doorbidaaya ama xannibaadaha
cuntada, in kasta oo aan dalbanno doorbidista hilibka (hilib doofaar ama hilib
doofaar la’aantiis) iyo caano. Haddii aad hesho nooc cunto ah oo aadan rabin
ama aadan cuni karin, waxaan kugu dhiirigelinaynaa inaad dadka kale la
wadaagto.
- Marka lagu daro booqashada usbuuclaha ah ee Isniinta, Khamiista ama Jimcaha, qof walba waa la soo dhaweynayaa inuu sidoo kale booqdo Arbacada Wildcard iyo Bandhigyada Wax soo Saarka(Produce Fairs).
- In kasta oo aan u mahadnaqeyno caawimaadda la soo saaray ee lagu meeleeyo alaabada santuuqa gaarigaaga, waxaan codsaneynaa in qofwalboo gaarigaaga kusugnaado si loo yareeyo faafitaanka jeermiska. Mutadawiciinteena ayaa agabka ku ridi doonta gaarigaaga. Fadlan hubi in gaarigaagu leeyahay meel cuntada lagu diyaariyo ka hor intaadan imaan goobta shelfiska cuntada.
- Aaggeena adeegga aasaasiga ah waa Oakdale, Woodbury, Landfall, iyo South Maplewood. Si kastaba ha noqotee, adeegyadeena ayaa diyaar u ah qof kasta oo iyaga u baahan, iyadoon loo eegayn meesha aad ku nooshahay.
- Laguuma weydiisan doono inaad keento wax dukumiinti ah ama caddeyn ah dakhliga soo gala si aad cunto u hesho. Waxaan ku weydiisan doonaa magacaaga iyo macluumaad aasaasi ah oo ku saabsan qoyskaaga. Macluumaadka oo dhan si adag ayaa loo xafidayaa.
Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan barnaamijyada CCEFS iyo hanaanka (sharaxaya adeegyadeena iyo howlaheena kahor isbeddelada la xiriira COVID-19) ayaa la heli karaa halkan.