Miyaan u baahannahay balanta lagu isticmaalayo caawinta cuntada?
Uma baahnid balan. Jooji inta lagu jiro saacadaha ganacsigeena marka ay kuugu haboontahay adiga. Waxaa jiri kara sugitaan, taas oo caadi ahaan ka dheer kadib markaan furno.
Halkee ayaad ku taalaan?
Waxa aan deggan nahay kambaska Kaniisadda Guardian Angels, ee ku taalla 8264 4th Street North, Oakdale MN 55128.
Goormee ayaa la furayaa caawinta cuntada?
Caawinta cuntada waxaa la furayaa Isniinta ka bilow 12:00 PM ilaa 4:00 PM, Qamiista ka bilow 3:00 PM ilaa 7:00 PM, iyo Jimcaha ka bilow 10:00 AM ilaa 1:30 PM. Fadlan ogow in haddii aad timaatid nus saac ama kayar ka hor inta aan la xirin caawinta cuntada, bagaashkaaga horay ayaa laguu diyaarinayaa. Caadi ahaan, caawinta cuntada way xirantahay si loo fulliyo Maalinta sannadka Cusub, Maalinta Xasuusta, 4ta Luuliyo, Maalinta shaqada, Mahadcelinta, iyo Kirismaska.
Maka gaari karo caawinta cuntada inta lagu jiro saacadaha balansan. Miyaan leeyahay dooq kale?
Hadeer ma haysano shaqaalaha marti geliyo booqashooyinka saacadaha shaqo kadib.
Intee jeer ayaan imaan karaa caawinta cuntada?
Waad soo booqan kartaa caawinta cuntada hal jeer bil walba oo kaleendarka ah. Looma baahno in aad sugtid 30 maalmood buuro ah ee u dhaxeyso booqashooyinka.
Ma in isla qofka ka socdo qoyska imaadaa mar walba?
Xubinta qof walboo weyn ee qoyskaaga (ee kugula nool isla ciwaanka) wuu soo booqan karaa caawinta cuntada oo u qaado cuntada qoyskaaga. Haddii qof qoyskaaga ka mid ah uu mar hore qaaday cunto inta lagu jiray bisha kalendarkaas, xubin kale oo qoyska ah ma sameyn karo booqasho gooni ah isla bishaas.
Weli ma heli karaa cuntada halkaan haddii aanan ka imaanin aaga?
Waxaan ku weydiinay in aad isticmaashid caawinta cuntada ee u adeegto aaga aad ku nooshahay. Fiiri liiskeena ee aaga metro ee caawinta cuntada halkaan, ama booqo hungersolutions.org iyo dooro “Helaha Caawinta Cuntada” sida waafaqsan badhanka Caawin Hel. Haddii aad doorbideysid in aad ku heshid warbixintaan taleefon ahaan, waxaad ka garaaci kartaa 211 taleefonada fadhiga ama 651-291-0211 oo mobeelka.
Miyaan helayaa in aan soo qaato cuntadeyda?
Haa. Tirada nooc walba oo cunto ah waxaa kuu suurtogaleyso in aad ka dooritid sida ku saleysan cabirka qoyskaaga. Si kastaba, haddii aad timaatid nus saac ama kayar ka hor inta aan la xirin caawinta cuntada, bagaashkaaga horay ayaa loo diyaarinayaa. Waxaad heleysaa isla tirada ee cuntada.
Waraaqo noocee ayaan u baahannahay in aan la imaado?
Marwalbo ee aad imaaneysid caawinta cuntada, fadlan xasuuso in aad la imaatid sawirka aqoonsigaag iyo biilka isticmaalka hadeer oo muujinayo ciwaankaaga hadeer. Marka kuugu horeyso ee aad timaatid caawinta cuntada, waxaan sidoo kale ku weydiineynaa in aad la imaatid qaabka aqoonsiga (shatiga gaari kaxeynta, shahaadada dhalashada, kaarka caymiska caafimaadka, kaarka amniga bulshada, baasaboor, iwm.) oo xubin walba ee qoyskaaga ah. Waxaa kaliya oo aad u baahantahay warbixintooda haljeer si markaas aan ugu cadeyno nidaamkeena.
Maxaan ugu baahannahay in aad tusiiyo sawirka aqoonsiga iyo biilka hadeer?
Gobolka MN ayaa nooga baahan in aan hubino aqoonsigaaga si aan u cadeyno in aad dagantahay gobolka. Waxaan u weydiineynaa si aan u aragno biilka si markaas aan u hubino in hadeer aad ku noo shahay aaga aan u adeegno.
Foomamkee ayaan ugu baahannayaa in aan ku buuxiyo?
Diiwaangelinta, waxaad buuxineysaa foomka oo labo qeybood ah. Qeybta koowaad waa TEFAP (Barnaamijka Caawinta Cuntada Degdega) foomka xaq ulahaanshaha, kaas oo ah ku dhawaaqida shaqsiga ee in aad u qalantay in aad heshid caawinta cuntada dowlada. Qeybta labaad waa Foomka Diideynta, kaas oo ah heshiiska looga siideynayo CCEFS masuuliyada la xiriiro cuntada aad heshid.
Waxaan ka qeyb qaadanayaa barnaamijka Safe At Home oo la iima ogolo in aan wadaago halka aan ku noolahay. Weli ma heli karaa cunto?
Haa. Kaliya ogeysii qaadashada. Haddii ay kuu suurtogaleyso, fadlan la imow waraaqaha xaqiiqda ee aad ka qeybqaadaneysid Safe At Home, ama aqoonsiga P.O. box ee aad isticmaaleysid.
Miyay jiraan wax kale ee aan u baahannnahay in aan la imaado?
Waxaan weydiinay in aad la imaatid bacaha bagaashka, maadaama saadkeena uu xadidanyahay.
CCEFS ma helayaan cunto qoyskeyga cuni jiray?
Haa. Waan ku dadaaleynaa in aan bixino cuntooyin kala duwan ee u dhiganto waxa macaamiisheena ay ku isticmaalayaan guriga, oo ay ku jiraan sheeyada bulshada. Fadlan faham helitaanka waxay u dhaxeyn kartaa booqashooyinka.
Waxaan isticmaalayaa cunto gaar ah. CCEFS ma heleysaa cunto aan cuni karo?
Haa. Waxaan ku dadaalnaa in an bixino cunto kala duwan oo buunsho laheyn, sokorta hooseyso, cusbada hooseyso, qudaar, iyo cuntooyinka kale ee u dhigma baahiyada cuntada gaarka ah. Fadlan ogow helitaanka sheeyo gaar ah way ka duwanaan kartaa.
Ma heli karaa cunto haddii aan helo faa’idooyinka SNAP ama barnaamijka kale ee caawinta cuntada dowlada?
Haa.
Ma heli karaa cunro haddii aanan aheyn muwaadin Mareykan ah?
Haa.
Qofkaan qolka wadaagno iyo aniga ma wadaagno cuntada. Ma u imaan karnaa caawinta cuntada si gooni ah?
Dhibaato malahan xiriirkooda, qof walba ee ku nool isla ciwaanka waxaa loola dhaqmaa sida hal qoys oo la wadasiiyaa. Haddii aad la wadaagtid guri qof, waxaa la diin siinayaa sida qoys labo ka kooban, iyo idinka ayay idin taalaa in aad go’aansataan sida loo qeybinayo cuntada. Idinma siin karno mid walba oo idinka mid ah cuntada si gooni ah.
Waxaan hadeer ahay guri laabe ama ciwaan aan joogto aheyn, marka ma heysto biilka lagu cadeynayo ciwaankeyga. Weli ma heli karaa cunto?
Haa. Usheeg tabarucaha qaadashada xaalada.
Caawinta cuntada ma geli karaan curyaamiinta?
Haa, CCEFS way geli karaan macmiisha gaariga ku socdo, dhaqdhaqaaqooda xadeysanyahay, iyo jir ahaan curyaan ah. Waan ku dadaaleynaa in aan fududeyno iyo raaxo gelino sida suurtogalka ah.
Ma leedahay illaha macmiisha ku hadlo luuqado kale?
CCEFS waxay hadeer isticmaashaa isticmaalka turjubaanka qadka taleefonka. Waxaan sidoo kale leenahay qaar kamdi ah tabarucayaal ku hadlo luuqado kale. Foomamka diiwangelinta waxaa laga heli karaa luuqado kala duwan.
Ma jiraan fursad layga leexinayo sababtoo ah daqligeyga?
CCEFS kaama leexineyso sababtoo ah daqligaaga. Waan fahamsannahay qasaaraha shaqada, qarashaadka caafimaadka, iyo degdegyada kale waxay sababi karaan dhibaato oo sameynta dhammaadyada kulanka, xitaa qoysaska daqliyada sareeyo leh. Markii aad buuxisid foomamka diiwaankaaga, waxaa lagu weydiisanayaa in aad ku dhawaaqdid shaqsigaaga xaq u lahaanshaha.
CCEFS miyay bixisaa adeegyo?
Inkastoo CCEFS aysan bixin adeegyo ka baxsan caawinta cuntada, waxaan isku darnay liiska adeegyada kale ee laga yaabo in aad daneyso. Fiiri liiska barnaamijyadaan iyo qadadka websaydkooda here. Sidoo kale, waxaa jiro xafiiska Salvation Army ee ku yaalo Kamiisada Woodbury Lutheran, bartaas dhinaca caawinta cuntada. Waxaad balan ka sameysan kartaa adiga oo wacayo 651-739-6288.
Waa maxay xeerkaaga ee xiritaanka degdega?
Waa xeerka CCEFS in la xiro caawinta cuntada haddii Degmada 622 xirto dugsiyada. Dhacdada xiritaanka degdega, waxaan ku ogeysiineynaa macmiisha i-meel ahaan iyo boostada ogeysiinta bogeena Facebook.